Fikradaha

Somaliland
Mid Baan Leeyahay Majeerteeniyana Mid Baan
Salaamu calaykum kuligiin dadka reer Somaliland
meel kasta oo aad joogtaanba. Meel kasta oo aad
joogtaan Ciid Wanaagsan.

Salaam ka dib haddii aan u dhaadhaco dulucda qoraankani:
Somaliland mid baan leeyahay, Majeerteeniyana mid
baan leeyahay, Dhulbahante mid baan leeyahay, Isaaqna
mid baan leeyahay.

1) Somaliland mid baan leeyahay oo waxa weeye ha
u dhaqmin sidii jabhad ama warlord ee dawlad iyo
miisaankeed ku dhaqma oo ku soco. Hadalada kala
fogaynaya dadkaaga iska jir. Adigu waxa aad taagan
tahay qaran inaad ku dagaalamayso magaciisii iyo
sharaftiisana aad badbaadinayso, ha u oggolaan in
lagugu soo celiyo hab qabiil oo ah sida uu Ina Yay
doonayo. Somaliland waa QARAN ee maaha QABIIL. Ceeb
ayay idinku tahay in la yidhaa Ina Yay iyo Somaliland
ayaa wada hadal nabad galyo u socodaa! Waxa qudha
ee ku waajib ah Ina Yay waxa weeye inuu ka baxo
dhulka Somaliland. Gorgortan iyo Wada hadal midna
taas ma laha. Marka uu qiro jiritaankaaga, ayaa
uu furmayaa wadahadal dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya
oo sidii jaar fiican loo noqon lahaa laga wada hadli
karaa.

Midna aan idiin raaciyo dhammaan dadwaynaha Somaliland
oo dhan “KA TASHA CADAAWAHOO ISKU TIIRSANAADA.”
Waxaynu ku gaadhi karaa hirka aynu higsanayno innaga
oo isku duuban.

2) Majeerteeniya mid baan leeyahay oo waxa weeye
Ina Yay oo idinku aad u taqanaan Cabdillahi Yussuf
hadii uu ahaa Mas qoorta idiinku duubnaa oo meel
aad ku dajisaan aydaan hayn, laakiin aad imika hesheen
meel uu idiinka dago (Madaxwayne Soomaaliwayn macnaheeda
cid kastaaba sida ay doonto ha u fasilatee) si aad
u badbaadisaan reerkiina, ha ka yeelina Ina Cabdi
Xaashi inuu idin ku noqdo Mas cusub oo qoorta idiin
fuula, waayo hadfii aad ku soo xadgudubtaan Somaliland
waad maqasheen maahmaahda caanka ah ee Somaliyeed
ee tidhaahda “Mas Madaxa Ayaa Laga Dilaa”.
Yaad u malaynaysaan in ay dammaanad qaadi doonto
dambiga uu magiciina ku galo Ina Cabdi Xaashi? Madaxa
uu budka Somaliland ku dhici, ayamaad u malaynaysaan
inuu yahay? Nin kuu digay kuma dilin: Samirkii umada
reer Somaliland wuu sii dhammaanayaa, xataa haddii
uu Mudane Madaxwayne Rayaale uu noqdo nin samir
badan, oo uu diido xabad dambe inay dhacdo, gafka
dambee nagagayimaada xaggiina ka sugi mayno dawladda
Somaliland inay noqoto ta jawaabta ka bixisa, laakiin
shacabka Somaliland ayay u taal waxa ay ka yeelayaan.
Waxa ay ka yeelayaana hadii aan kuu sii dulmaro
noqon mayso Laascaanood meesha laga qaxo ee Garoowe
iyo Boosaaso ayaa laga qixi.

3) Dhulbahante mid baan leeyahay oo waxa weeye
abtiyaal Harti meel kasta waydagtaa oo Hargaysa,
Burco, Laascaanood, Boosaaso, Kismaayo, Nairobi,
Jabuuti, Killinka Shanaad, iwm intaba Harti wuu
dagaa. Laba abtiyaal inoo kala saara QARANKA iyo
QABIIL ka. Cid kuu diidaysa inaad abtirsiimo wadaagtaan
Majeerteen ma jirto. Ogaadeenka daga Kiiniya haddii
laga maarmiwaayo abtirsiimo ayaad wadaagtaan, Puntland
miyay hoos imanayaan iyaguna? Somaliland ku dhawaaqisteedii
abtiyaal ka mid baad ahaydeen 1991, oo Garaad Cabdiqani
ayaa ka mid ahaa dadkii joogay. Waa gaf inaad u
kala eexato laba midna abtiki ayuu kuu yahay midna
adeer kuu yahay. Haddii aad wax tabanaysaan, in
aan ka wada hadalo oo aan danteena guud ka wada
hadalo wax miyaad ka qabtaan? Anaga oo dhan oo wada
socona odaygayagii, suldaankayagii, caaqilkayagii
waa taan idiin nimid, een wax kasta ka wada hadalay
ee aan isku afgaranay, halka ay ka hoostay waad
wada ogtihiin, ka warama hadii doorkan aad noogu
timaadaan Burco, Boorama, Hargaysa, Berbera, ama
magaalada aad doontaan ee ku taal Somaliland gudaheeda
si aan uga wada tashano aayaheena, uguna soo afjaro
muranka siyaasadeed ee qayrkeen innaga reebay? Miisaanka
hadalkii ugu dambeeyay ee uu yidhi Cali Khaliif
Galaydh dhuuxa abtiyaal “Dhulbahatoow haddii
aad tagaysaan Muqdisho idinka oo Somaliland ah taga.”
Macnaa xaqaaqa heli maysid haddii aad kaligaa tagto.

4) Isaaqna mid baan leeyahay oo waxa weeyaan haddii
aad ogtihiin halka ay sartu ka qudhintay maxaad
u sari la’dihiin ee aad u sugayseen inta ay
gaadhayso xaal halka uu maanta maraayo? Xalka Laascaanood
iyo Sool inaanu fogayn ninkii caqli lihi wuu garanayaa.
Waxa ay u baahantahay in la sameeyo si xal loogu
helo, nin kii caqli leh wuu garanayaa. Markaa mid
baan idin leeyahee haddii aad rabtaan in aad badbaadisaan
QARANKII Somaliland “Hadii Fooli Timaado Gudo
Qarsiimo Wuu Hadhay” dagaal baa hadda yimi
oo arrinku sidii hore ma aha, markaa Dhulbahate
wada hadal maxaad ugu furi

la’dihiin? Waxa ay tabanayaaan maxaad ugala
hadli waydeen? Waxna waa wax qaran khuseeya, waxna
waa wax qabiil khuseeya. Somaliland inay xuduudaheeda
caalamiga ah gaadho ayaa u taal, si kasta ha ku
gaadhee. Isaaq laakiin si dhib yar ayuu u fududayn
karaa in ay Somaliland ku gaadho xuduudaheeda, waa
isaga oo qabiil ku gala arrinka oo Dhulbahante gogol
u fidiya iyo casuumad oo waxa caloosha ku jira badka
inta la soo dhigo laga wada hadlo. Maxaad sugaysaan
haddaba? “NIN LA SUGAYOOW ADNA YAAD SUGI”.
Xabashi doonaya qas Somali dhex yaala keeni maayso
ictiraaf iyo nabad galyo waarta oo Somaliland iyo
Soomaaliya dhexmarta. Laakiin haddii aad soo afjartaan
wax ay kala sheeganayaan beelaha Somaliland oo dhan,
cid baan innaga faa’iidaysanayn, sida hadda
uu Ina Yay uga faa’iidaystay oo kale.

Tallada aan ku soo afjarayo qoraal kaygani waxa
weeye Isaaqoow Suldaamadiina, Cuqaashiina, Culimaa’udiinkiina,
Siyaasigiina intuba masuuliyada ka saaran Sool iyo
sidii loo soo afjari lahaa dhibaatada ka taagan
waa inaad falowgeeda qabataan. Hadraawina mid baan
fari lahaa: labadan reer ee midna kuu reer abtiga
yahay midna aad ka dhalatay tii aad ilaa iyo Kismaayo
u socotay oo kale bay kaaga baahan yihiin ee xal
ka dhibtan soo jiidanaysay qaybtaada ka qaado, oo
xal u raadi.

Waxa aan ku soo gunaanadayaa qoraalkaygan wixii
aad qarsataaba wuu ku qarsadaaye qof kasta oo reer
Somaliland ah waajib baa ka saaran dhulkiisa hooyo
waana in uu gutaa waajibkaas, isaga oo aan ku raadinayn
magac aad uu helo. Iska ilaaliya in cadowgu idinka
dhex faa’iidaysto oo hadba kaadh cusub uu
idiin la soo baxo. Wixii kala fogaynaya ummadda
reer Somaliland ha la iska jiro.

Somaliland ha noolaato oo ha ka guulaysatyo cadowgeeda
gudaha iyo dibadaba.

Long Live Somaliland

Rashiid Cabdi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *